Agoosto 2020
Guudmarka Barnamiijka
Magaalada Seattle ayaa caawinaysaa dadka deegaanka ee waajahaaya dhibaatooyinka dhaqaale sababo la xiriira faafida cudurka COVID-19. Laga soo bilaabo bisha Maarso, Magaalada ayaa qaybisay Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah (oo sidoo kale loo yaqaan Waraqadaha Lacag Bixinta Cuntada Degdegga ah) si looga caawiyo in qoysaska ay helaan cunno caafimaad leh iyo sahay/saad caafimaad leh. Barnaamijku wuxuu qaab ahaan u bilaabmay barnamiij laba-biloodle ah waxaana la kordhiyey oo la balaariyey dhawr jeer. Ka-faa’iideystayaasha waxay helayaan waraqadaha lacag bixinta oo dhan $400 saddexdooda bilood ee ugu horreysa inta ka dambaysana waxay helayaan $180. Qoysaska waxaa diiwaangaliyay iyadoo lala kaashanayo ururada bulshada iyo Maamulka Magaalada.
Su`aalaha Inta Badan la Isweydiiyo
Ma dalban karaa Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah?
Maya, malahan codsi u furan barnamiijkan.
Yaa u qalma inuu helo Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah?
Ka-faa’iideystayaasha Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah waxaa ka mid ah qoysaska ka qeyb qaadanaya barnaamijyada daryeelka carruurta ee ay Magaaladu maamusho iyo barnaamijyada kaalmada cuntada iyo qoysaska ay diiwaangaliyeen ururada bulshada ee aan wada shaqeyno.
- Barnamiijyada ay maamusho Magaalada: Barnaamijka Taageerada Daryeelka Carruurta, Barnaamijka Caawimaada iyo Waxbarashada Carruurnimada Hore, Barnaamijka Dugsiga Barbaarinta ee Seattle (ku xaddidan qoysaska ka hooseeya 350% heerka saboolnimada federaalka), Waraqadaha Lacag bixinta Fresh Bucks (ku xaddidan macaamiisha ay diiwaangaliyeen ururada bulshada), Barnaamijka Naafaqada Daryeelka Carruurta (ku xaddidan adeeg-bixiyeyaasha iyo qoysaska Xeerka 1aad), iyo Barnaamijka Shaqalaysiinta Dhalinta Seattle
- Ururada bulshada: Asian Counseling and Referral Services, API Chaya, Atlantic Street Center, Black and Tan – a collective, Byrd Barr Place, Casa Latina, Central Area Senior Center, Central Area Youth Association, Chief Seattle Club, Children’s Home Society of Washington, Community Passageways, Entre Hermanos, Eritrean Association of Greater Seattle, Fair Work Center, FEEST, Got Green, Horn of Africa Services, Ingersoll Gender Center, InteriIm CDA, Lake City Collective, Latino Community Fund, Providence Regina House, Queer the Land, Rainer Valley Midwives, Refugee Women’s Alliance, Somali Health Board, SouthEast Seattle Senior Center, United Indians of All Tribes, United Territories of Pacific Islanders Alliance, Urban League of Metropolitan Seattle, Villa Comunitaria, iyo West African Community Council
Maxaa loo doortay ururadan bulshada?
Hay’adahani waxay xiriir qoto dheer la leeyihiin bulshooyinka ay u adeegaan. Ururadu waxay diirada saarayaan sidii loo gaadhsiin lahaa qoysaska sida aan kala sooca ahayn u saamayay COVID-19 iyo shaqaalaha la barakiciyay ee aan awood u lahayn inay helaan noocyo kale oo kaalmooyin dawladeed ah sababo la xiriira midab-kala sooca nidaamaysan iyo carqaladaha hay’adeed, sida carqalada xagga luuqaddaha, ka cabsiga masaafurinta, ama la kulmida rabshadaha qoyska.
Aniga ma helo Waraqadaha Lacag Bixinta Cuntada degdegga ah, maxay yihiin ilaha kale ee cuntada aan heli karo?
Waraqadaha lacag bixinta dukaamaysiga ayaa ka mid ah ilaha badan ee la heli karo si loo taageero kuwa baahan. Fadlan sahamin ku sameeyy kheyraadaha kale ee ka jira guud ahaan bulshadeena inta lagu jiro waqtigan adag adigoo booqanaya Ilaha bulshada COVID-19 ee Duqa Magaalada Seattleiyoilaha xaaladaha degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Seattle King County. Tusaale ahaan, United Way of King County waxay bixinaysaa guri-geynta lacag la’aanta ah ee sanduuqyada cuntada degdegga ah inta lagu guda jiro cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Waxaad sido kale u qalmi kartaa Pandemic-EBT, oo ah kaalmo cusub oo ku meelgaar ah oo cuno ah si looga caawiyo qoysaska in ay carruurtooda usoo iibiyaan cuntada maadaama dugsiyada loo xiray COVID-19 awgeed. Cunug kastaa wuu heli karaa P-EBT, iyadoon loo eegayn xeerka muwaadinimada ama muhaajirnimada. Shuruudda kaliya ayaa ah inuu ilmuhu xaq u yeesho cunnooyinka dugsiga ee lacag la’aanta ah ama kuwa qiimaha jaban.
Ka qaybgalka SNAP/EBT/Cuntada Aasaasiga ah (waraqadaha bixinta cuntada) miyaa loola jeeda in aan helayo gunnooyinkan?
Ka qaybgalka SNAP (ama helidda waraqadaha bixinta cuntada) lagama wado in aad si otomaatig ah u helayso waraqadaha lacag bixinta dukaamaysiga.
Sidee loo maalgeliyaa barnamiijka Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah?
Barnamiijka waxaa taageeraa Maamulka Magaalada, deeqaha shakhsiga ah iyo kuwa tabarucaad ay fududaysay United Way of King County, iyo Sanduuqa Gargaarka Korona fayras ee heer federaal ay aasaastay Sharciga CARES.
Xog dheeraad ah oo ku saabsan Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah.
Ilaa intee la heli karaa waraqadaha lacag bixinta cuntada?
Barnaamijka ayaa la kordhiyay illaa Oktoobar 2020.
Sidee ayay u shaqeeyaan waraqadaha lacag bixinta cuntada?
Macaamiisha waxay isticmaali karaan waraqadaha lacag bixinta (ilaa 20 waraqadood ee lacag bixineed halkii iibsiba) si lamid ah sida ay lacag cadaan ah wax uga iibsan lahaayeen dukaanka Washington Safeway. Macamiisha waxay waraqadahooda lacag bixinta tusi doonaan khasnajiga marka ay dukaamaysanayaan waa in ay galiyaan lambarka Kaarka Safeway Club si qiimo dhimista waraqda lacag bixinta loogu daro lacagta ay bixinayaan. Waraqadaha lacag bixinta looma adeegsan karo mashiinada lacagta iskood ah u goosta. Wax baaqi ah laguuma celinaayo markaad iibsato sheey ka qiimo yar cadadka kaarka ku jira. Waraqadaha lacag bixinta maaha kuwo lacagta laga shuban karo mana shaqaynayaan haddii la koobiyeeyo. Waraqadaha lacag bixinta lumay ama la xadey lama badali karo.
Alaabooyin nooce ah ayaa lagu iibsan karaa?
Waraqadaha lacag bixinta waxaa loo isticmaali karaa in lagu gado shaygaad doonto oo yaala Safeway marka laga reebo tubaakada, khamriga, bakhtiyaa nasiibka, kaararka hadiyada ama shidaalka.
Ka waran haddii aan helay Waraqadaha Lacag Bixinta Dukaamaysiga ee Xaaladaha Degdegga ah laakiin aanan rabin?
Haddii aad aaminsan tahay in waraqadahan si khaldan laguugusoo diray, ama aadan doonayn inaad hesho waraqado dheeraad ah, fadlan iimayl udir SeaFoodVoucher@seattle.gov ama wac 206-684-CITY (2489) si aad iskaga xirto.
Ka waran haddii aan aad u jiranahay ama aan u baahnahay in la ikarantiilo oo aanan dukaamaysan karin?
Waraqadaha lacag bixinta waxaa kaliya lagu isticmaali karaa dukaanada wax laga iibsado. Haddii aad tahay ka-faa’iidaystaha barnamiijka ee la karantiilay ama aadan awoodin inaad tagto dukaanka adeegga walaacyo la xariira COVID-awgood, fadlan wac 206-684-CITY si aad u codsato adeegyada dukaanka guriga laguugu keenaayo.
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan ilaha dheeraadka ah ee bulshada, degmada, iyo gobolka ee loogu talagalay dadka deegaanka ah oo ay saamaysay COVID-19 ayaa halkan laga heli karaa: http://www.seattle.gov/covid-19. Haddii aad wali qabtid su’aalo, fadlan wac 206-684-CITY.